Deg Deg: OYSU-Europe oo Seminar Uga Furmay Stockholm, Sweden. + Swairo
Waxaan maanta ka furmay magaalo madaxda wadanka Sweden ee Stockholm Seminar ay soo qabanqaabiyeen Ururka Dhalinyarada & Ardayda Somalida Ogadeniye (OYSU) ee qaarada Europe.
Ujeedada Semniarkan loo qabtay ayaa waxay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga iyo garaadka siyaasadeed ee xubnaha OYSU ee qaarada Europe. Seminarkan ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Jaaliyada wadanka Sweden Mudane Cabdi Bashiir.
Waxaa Saminarka cashiro & khudbado kasoo jeediyay Mudane Axmed Yasin Cabdi oo ah Gudoomiyaha Hoggaanka Arrimaha Bulshada & Daryeelka Dadwaynaha & Mudane Rayaal Xamud Gudoomiye Ku/xigeenka Hoggaanka Garsoorka & Cadaalada.
Madaxdan ayaa waxay ka hadleen qodobada kala ah ururnimada & kaalinta ay dhaliyaradu ku leedahay halganka lagu xoraynayo wadanka Ogadeniya. Waxa kaloo ka hadlay seminarkan Mudane C/qadir Xasan Sh Cali wakiilka OYSU ee qaarada Europe.
Kala socda ONA wararka ka soo kordha Seminarkan.
ONA/Stockholm,
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.