Wararka naga soo gaadhaya Gobollada Nogob & Faafan ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dagaallo ciidanka wayaanaha lagu naafeeyay oo dhexmaray ciidanka u taagan xaqa aayo katashiga shacabka Ogadenia iyo kuwa dulmiga kujooga ciida Ogadenia ee wayaanaha.

Faah faahinta dagaaladan ayaan kahellay Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO).

Warkan ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 23/12/15 deegaanka Goldalaaq oo Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan dagaal aad u culus oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 19 askari oo darajooyin kala duwan leh 25 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla taariikhdan 23/12/15 ayaa meesha lagu magacaabo Digawayne oo Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan dagaal Ciidanka Qalabka sida ee xoraynta Ogadenia iyo kuwa jiho wareersan ee
gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 6 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dhinaca kale warkan ayaa intaas taaricinayaa in maalinimadii Jumcaha ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 25/12/2015 Dagmada xamaro ee Gobolka Nogob uu dagaal ku dhexmaray ciidanka kaba qaadka ah ee Hawaarinta looyaqaano, dagaalkan ayaa bilowday kadib markuu horjoogihii ciidanka Hawaarintu kufsaday gabadh uu qabay mid kamid ah ciidanka Hawaarinta waxaana rasaas ooda lagaga qaaday Damiir laawe lagumagacaabo Shiihalaqe Beele.

Waxaa beelle usoo hiiliyay qaar kamid ah hawaarinta ooy Beele isku hayb yihiin waxayna ukala baxeen labo Beelood. Warka ayaa intaas kudaraya in faragalin ay ciidanka cadawgu kusameeyeen lagu xidh xidhay qaar kamid ah horjoogayaashii hawaarinta kuwaasoo kala ah: Shiihaalaqe Beele oo aad u ildaran iyo nin oo lagu magacaabo Shaambal Cabdifataax.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay