Dawlada Germany ayaa sheegtay ineey bilaabi doonto baadhitaano lagu samayn doono duuliyeyaasha diyaaradaha ee isticmaala Daawooyinka, Daroogada iyo Khamriga.

Qorshahan ayuu axadii shalay ku dhawaaqay Wasiirka Gaadiidka ee dalka Germany Alexander Dobrindt, wuxuuna sheegay in sharcigan cusub ay wasaaradiisa soo bandhigi doonto horaanta sanadka soo socda.

Go’aankan ayaa la xadhiidha shilkii diyaaradii laga lahaa Germany ee Germanwings oo bishii Maarso kusoo dhacday buuraha wadanka Faransiiska, iyadoo la xaqiijiyay in duuliyihii labaad ee diyaaradaasi uu si ulakac ah usoo riday diyaarada, ninkaasi oo la sheegay inuu in muddo ah xanuunka dhimirka qabay, isla markaana isticmaali jiray daawooyin kala duwan iyo khamriga.

Gudi loo saaray baadhitaanka shilkaasi dhacay bishii Maarso ee sanadkan ayaa soo jeediyey in baadhitaan lamariyo duuliyeyaasha diyaaradaha rakaabka si loo xaqiijiyo caafimaadkooda. Balse go’aankan ayaa waxaa si wayn uga soo horjeestay iskaashatooyinka duuliyeyaasha oo ku tilmaamay in dhamaan duuliyeyaasha laga dhigay dad dambiileyaal ah oo lamarinayo baadhitaan, taasina ay sheegeen inaysan cadaalad ahayn.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay