Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka saxaafadda qaranka. Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay 142 xildhibaan, waxaana kulanka diiradda lagu saaray meelmarinta hindise sharciyeedka saxaafadda qaranka.

Cod gacan taag ah ayaa lagu ansixiyay sharciga saxaafadda qaranka, iyadoo 139 Xildhibaan ay ogolaadeen,  halka ay ka aamuseen seddex Xildhibaan, ma jirin cid diiday,  sidaana waxaa ku dhawaaqay gudoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Sh Cismaan Jawaari.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Xildhibaannada  uga mahadceliyay sida ay u ansixiyeen sharciga saxaafadda qaranka.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay