Maamulka TV ga Gobolka Oromiya ayaa shaqadii ka caydhiyay 17 shaqaalaha TV ga kamid ahaa. Go’aanka shaqada lagaga eryay qaarkoodna lagu xidhay shaqaalaha ayaa ku soo beegmay xilli uu Gobolka Oromiya ka socdo kacdoon balaadhan oo ka dhan ah taliska Woyaanaha.

Warkan ayaa sheegaya in shaqaalahan 17 ka ah ee la caydhiyay qaar kamid ah jeelka loo taxaabay. Shaqaalahan ayaa lagu soo eedeeyay ineey ku lug leeyihiin kacdoonka shacabka Oromiya uu kawado meelo badan oo deegaanka Oromiya kamid ah.

Taliska Woyanaha oo adeegsanaya awood ciidan ayaa xooga saaray ineeysan saxaafadu waxba ka qorin xasuuqa iyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay ka wadaan ciidamada Woyaanaha deegaamada uu kacoonkan saameeyay.

Suxufiyiin iyo aqoonyahan badan ayaa sidoo kale qaarna la xidhay kuwo kalana aan lahayn meelay jaan iyo xidhib dhigeen tan iyo intii kacdoonkan uu kabilaabmay Itoobiya dhamaadkii bishii hore.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay