Oslo-01-Oct-11- Wargeys kamid ah kuwa loogu akhriska badan yahay ee ka soo baxa dalka Norway, ayaa maqaal dheer oo ku lifaaqnaa sawiro naxdin leh oo laga soo qaatay caruurta nafaqo-dariddu ku hayso gudaha Ogadeenya, kaga hadlay qaabka foosha xun ee mucaawinadda la siiyo Itoobiya ay ugu adeegsato xasuuqa shacabka Ogadeenya iyo cadaadiska mucaaridka dalka Itoobiya.

Wargeyska ayaa warbixintiisa diiradda ku saaray deeqda dalkan Norway bixiyo iyo qaabka ay tahay in loola xisaabtamo taliska Woyaanaha, isagoo xidhiidho kala duwan la sameeyey xubno ka tirsan baarlamaanka Norway, hay’ada Norwegian Christian Aid iyo ururka Human Right Watch oo dhamaantoodba u xaqiijiyey wargeyska sidii cadaadis weyn loo saari lahaa taliska Woyaanaha.

War-bixinta wargeyska Aftenposten ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka hor mudaaharaadka balaadhan ee la filayo in lagu horsameeyo shir ka dhacaya caasimadda Oslo, oo uu ka soo qeyb-galayo kaligii-taliyaha Woyaanaha Males Zenawi.

Jaaliyadda Soomaalida Ogadeenya ee dalka Norway, ayaa wada abaabul balaadhan oo ku wajahan mudaharaadka la filayo inuu ka dhaco dalka Norway. Mudaharaadkan ayaa la filayaa inuu noqon doono mid soo jiita indhaha caalamka islamarkaasna isu soo baxan uu noqon doono midkii ugu balaadhnaa ee ka dhaca qaaradda Yurub.

Warbixinta Wargeyska Aftenposten oo Afka-Norwegeinka ku qoran – Guji halkan;

Kala soco ogadennet.com warbixinadda mudaharaadka iyo abaabulada kala duwan ee Jaaliyadda Norway wado.

ONA\Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay