Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sootabinaya tacadiyo baahsan oo todobaadyadii ugu dambeeyay kadhacay qaybo wadanka Ogadenia kamid ah, tacadiyadan ooy ciidanka gumaysigu ugaysteen dad shacab ah oon waxba galabsanin.

Warkan ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 20/12/2015 Tuulada Lehelow oo Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo katirsan waxay ciidanka gumaysigu si waxshinimo leh ula dhaqmeen odayaashii Tuulada ooy u gaysteen xidhay iyo jidh-dil waxayna xidheen in kabadan 60 oday waxaana magacyadooda aan hellay kuwan soo socda:-
1 cabdi aabi cumar xaashi
2 haybe cumar xassan
3 cabdiqaadir daahir xassan
4 cabdinaasir maxamad ow faarax
5 xuseen guray cabdi aabi
6 cabdulaahi hire nuur dugaag
7 muuse dhabayac
8 cabdixiis aadan oogle
9 maxamad guray daahiye
10 muxumad khadar maxamad
11 muxumad cabdi khayr ismaaciil.

Warkan ayaa intaas ku daraya in 22/12/2015 deegaanka Jaleelo oo Dagmada Wardheer ee Gobolka Doollo katirsan waxay ciidanka cadawgu ku xidheen dadka kala ah:-
1 cabdisataar cumar balwiye
2 cabdiyare cumar balwiye
3 axmad geelle qaad faarax
4 kaad mahdi xaaji cali
5 maxamad ow muxumad gaaciye
6 axmadnuur ow muxumad gaaciye.

Dhinaca kale wararka dhiilada leh ee nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 23/12/2015 meesha Geelnuujis oo Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob katirsan waxay ciidanka wayaanuhu ku dileen Allaha unaxariistee hooyo waayeel ah oo lagu magacaabi jiray Ruqiya Sheekh Ismaaciil.
Isla taariikhdan 23/12/15 ayaa deegaanka Caleen oo Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay katirsan waxay ciidanka gumaysigu dhac iyo xidhay isugu dareen ninka lagu magacaabo Kaabe Indhayare Cabdulaahi waxayna kadhaceen 1 qori oo AK47 ah.

Waxaa kaloo warkani uu intaas ku darayaa in markay taariikhdu ahayd 20/12/2015 meesha lagu magacaabo Baliwiriir oo Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay katirsan waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 Ina jaamac qolofay iyo xaaskiisa
2 cabdiwali dayr iyo xaaskiisa
3 cabdi xagar iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa oo dhan.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay