Kooxaha gurmadka dalka Shiinaha, ayaa isku dayaya iney soo badbaadiyaan ilaa sideed macdan qode oo ku xaniban dhulka hoostiisa kadib markii maalintii Jimcaha uu ku dul burburay godkii ay macdanta ka qorayeen.

Waxay ku guulaysteen iney cunto iyo nalal gaarsiiyay, iyagoo godad ay qodeen ku gaarsiiyay, balse waxaa howlaha gurmad hakiyay dhagaxyo waawayn oo ku daatay iyo biyo ku butaacay.

Sagaal macdan qodeyaal ah ayaa wali la la’yahay, mid ayaa la ogyahay inuu dhintay. Ninkii lahaa macdanta ayaa isdilay dhowr maalmood ka hor.

Baaritaan dambiyeed ayaa hadda socda si go’aan looga gaadho in dayacaad ay ka dhalatay masiibada.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay