Ergeygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa  si rasmi ah uga tagay Soomaaliya kaddib muddo labo sano iyo bar oo uu xilka hayay. Danjire Kay ayaa xaflad macasalaamayn ah waxaa loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Danjire Kay ayaa xilka qabtay bishii June 2013 xilligaas oo uu xafiiska kala wareegay danjirihii isaga ka horreeyay, Augustine Mahiga.

Isagoo ka hadlayay xafladda sagootinta, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Hadliye ayaa ku tilmaamay Nicholas Kay inuu ahaa saaxiib dhab ah oo ay lahaayeen dadka Soomaalida, kaas oo dadaalladiisa ay ku reebeen calaamad aan la tirtiri karin taariikhda dalka.

Danjire Kay ayaa sheegay inuu Soomaaliya ka tagayo isagoo faraxsan, rajo waynna ka qaba inuu dalka si buuxa cagahiisa ugu istaago.

Wuxuu u mahad-celiyay Soomaalida, saaxiibbada caalamka iyo dadkii ay ka wada shaqeeyeen xafiiska Qaramada Midoobay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay