Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Oromiya ayaa tibaaxaya in Ciidanka Woyaanaha ay dhibaatooyin kala duwan ka gaysteen shacabka Oromiya ee ku dhaqan deegaanka lagu magacaabo Ilu-Galan oo ku yaala .

Warkan ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay isla goobtii ay dhibaatada ka gaysteen Ciidanka Woyaanuhu. Dad goob joogayaal ah oo xogtan warbaahinta lawadaagay ayaa sheegaya iney ciidanka Woyaanuhu qof dhalinyaro ah oo kamid ahaa shacabkii gadoodsanaa ay dileen.

Tan iyo intii kacdoonkan ka biloowday meelo badan oo kamid ah Itoobiya ayaa xasuuq ba’an ay ka gaysteen ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo adeegsanaya taangiyada dagaalka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helocopters.

Warar kale ayaa sheegaya in tirada dhimashada shacabka Oromiya ay kor u dhaaftay 122 qof meesha dhaawacu uu gaadhay 2000 oo muwaadin. Sidoo kale waxaa baro-kac loo gaystay shacab aad u tiro badan.

Kala soco ONA wixii kasoo kordha arimaha ku saabsan kacdoonka Oromiya.

 

ONA

Galbed-Shawa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay