Wasaarada Batroolka ee dalka Sucuudiga ayaa sheegtay inaysan hoos u dhigi doonin cadadka shidaalka ay maalin walba soo saaraan xili qiimaha shidaalka ee caalamka uu marayo heerkii ugu hooseeyey, taasi oo dhaawac ku noqotay dhaqaalaha Sucuudiga.

Dalka Sucuudiga oo ah kan adduunka ugu horeeya dhanka soosaarka saliida ayaa 80% illaa 90% dakhligiisa ka hela shidaalka uu adduunka u beecgeeyo, balse hoos u dhaca ku yimid qiimaha Shidaalka ee dunnida ayaa keentay inuu hoos u dhaco lacagta adag ee Sucuudiga kasoo geli jiray suuqa Shidaalka ee Caalamiga ah.

Waxaa jirtay cabsi laga qabay in Sucuudiga uu hoos u dhigo shidaalka uu soo saaro si uu qiimaha shidaalka ee dunnida sare ugu kaco taasi oo uu dhaqaalo badan ku heli karo, balse Wasiirka Batroolka ee Sucuudiga ayaa sheegay inaysan xiligan ku talo jirin inay sicir barar ku ridaan qiimaha shidaalka ee dunnida.

“…Siyaasadeena ku aadan soo saarida Shidaalkeena waxna iskama bedali doonaan…” ayuu yiri Wasiirka Batroolka Cali Al-Naimi oo Arbacadii shalay wareysi siiyey jariirada Wall Street Journal.

Wasaarada Maaliyada ee Sucuudiga ayaa todobaadkan shaacisay in miisaaniyada wadankaasi ay ka dhimantahay $98 bilyan oo dollar, taasi oo keentay in dowlada Sucuudiga sare u qaado qiimaha shidaalka laga siin jiray shacabka Sucuudiga, waxay sidoo kale dowlada jartay qiimo dhimistii ay ku sameyn jirtay biyaha iyo korontada dalkaasi, arrintaasi oo ay dowlada ku xakameenayso lacagta ka baxda khasnada dowlada.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay