War goor dhawayd kusoo dhacay warqabadka Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA ayaa sheegaya in caasimada deegaanka Oromiya ee Nazret (Adama) lagu dilay shan ganacsato Tigrey ah.

Warkan ayaa intaas raacinaya ineey dablay aan haybtooda la garanaynin ay ku dileen magaalada Nazret ganacsato kasoo jeeda qawmiyada Tigrey. Dilka ganacsatadan ayaa loo aanaynayaa inuu salka ku hayo aar-goosi kadib xasuuqa ba’an ee Ciidanka Woyaanuhu kawado meelo badan oo kamid ah guud ahaan Itoobiya gaar ahaan Gobolka Oromiya.

Waxaa xusid mudan in mudo todobaad uun laga joogo uu shacab gadoodsan oo kasoo jeeda Qawmiyada Gumuz ay weerar culus ku qaadeen meheradihii ay Woyaanuhu ku lahaayeen magaalada Al-Maxal. Warkan ayaa tibaaxaya in meheradaha lagubay ay kamid yihiin Axum Hotel, Warshada Caanaha ee Tekleburhan iyo Bakhaarkii deegaankaas ugu waynaa oo uu lahaa ganacsade Tigrey ah oo aad looga yaqaano gobolkaas laguna magacaabo Marhawi Gabresadiq.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay