Khamiistii shalay ahayd ooy taariikhduna ku beegnayd 31/12/15 waxaa xerada Qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab ka qabsoomay shirwaynihii Faraca Midnimo ee ka howl gala xerada Dhagaxlay.

Shirkan oo ah shir 12kii biloodba mar laqabto ayaa lagu doortaa maamul cusub oo sanadka soosocda howlaha halganka wada waxaana lagu sagootiyaa maamulkii hore ee mudada sanadka ah soo shaqaynayay waxaana lagu dajiyaa qorshayaasha lagu socondoono sanadka soo socda hadii Alle idmo.

Kulankan oo ahaa mid aad loosoo qorsheeyay loogana soo shaqeeyay ayay kasoo qayb galeen dad wayne aad u farabadan oo kamid ah xubnaha faraca Midnimo iyo marti sharaf ka socotay faracyada kalee jaaliyada Bariga
Africa sida Faafan Nairobi, Barsan Gaariisa, Iftin Xagardheere iyo Muftaaxul-xoriyo Ifo.

Sidoo kale waxaan madasha ka maqnayd ururada Bulshada sida Ururka Ardayda iyo Dhalinyarada Ogadenia OYSU, Ururka Culimada Soomaalida Ogadenia UCSO iyo Ururka Haweenka Ogadenia UHO. Kulankan ayaa furmay abaare 2:00 duhurnimo xiliga Dhadhaab waxaana lagu furay aayado ka mid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah
oo uu soo jeediyay Hogaanka xidhiidhka Caalamiga ah ee urur waynaha culimada S.ogadenia mudane Sheekh Maxamad Aadan wuxuuna sheekhu si cilmiyaysan bulshada ugu soo gudbiyay wacdi qiimo badan.

Sidoo kale waxaa dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee dhinaca siyaasada kawarbixiyay Hogaanka Arimaha Bulshada OYSU ee heer aduun oo shirka fadhiyay Intaas kadib Xoghayaha faraca oo shir gudoon ahaa wuxuuna si qoto
dheer uga warbixiyay wax qabadkii faraca ee sanadkii ay xilka hayeen wuxuuna xoghayuhu bulshada u iftiimiyay wax badan ooy tabayeen, wuxuuna xoghayuhu ku dhawaaqay in ay dhigeen xilkii ay umada u hayeen.

Intaas kadib waxaa xilka lawareegay gudigii farsamada oo sooban dhigay nooca doorashada iyo dadka lakala dooranayo waxayna sheegeen in ay doorashadu u dhici doonto qaab qarsoodi ah oo qofka la dooranayo magaciisa waraaq lagu qorayo waxayna soo ban dhigeen 14 qof oo loo kala dooran doono 7da boos ee gudida fulinta ee faraca waxaana gudoomiye loodoortay Halgame Axmad daahir cali waxaana isla goobta lagu doortay 6 hogaan oo kala shaqayn doonta howlaha halganka.

Intaas kadib waxaa kalmado dardaaran ah lasiiyay marti sharaftii waxaana lagu soo dhaweeyay sheekh maxamad aadan oo Faraca faafan ee Nairobi kasocday wuxuuna sheekhu tiriyay shicir ama gabay halgameed kubaxayay afka carabiga oo aad u qiimo iyo qiiro badan.

Sidoo kale waxa kalmad qiimo iyo qaayo badan soojeediyay halgame sheekh xadiis oo kasocday faraca Barsan ee Gaarissa, sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay faracyada Iftin iyo muftaaxul-xoriya ee xagardheere iyo Ifo oo khudbado dardaaran ah soo jeediyay.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa si nabad ah kusoo dhamaaday shirkii waxayna bulshadu isku salaamayeen sanad cusub iyo maamul cusub oo khayr qaba insha allaah.

ONA Dhadhaab.

20151231_143928

20151231_143943

20151231_143836

20151231_143814

20151231_143758

20151231_143736

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay