Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM. Masuuliitan ayaa kawada arinsaday sidii wadajir loogu cidhibtiri lahaa kooxaha Argagixisada ah sanadkan 2016 .

Iyadoo ay labada dhinac isla qireen sida ay lagama maarmaan u tahay in la bilaabo howlgallo cusub. Taliyaha Ciidanka Somaliya ayaa sheegay in sanadkan 2016-ka uu u noqon doono Ciidanka Xoogga dalka sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha nabadiidka ah.

“Kulankan muhiimka ah ee aynu maanta halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoraynta goobaha dhiman ee cadowgu joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Sanadkan 2016 Soomaaliya oo dhan laga waayo meel ay Argagixiso ka taliyaan” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Somaliya.

Kulanka ayaa waxaa Taliyaha Ciidamadda ku weheliyey Abaanduulaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale. Waxana uu kulankani qeyb ka yahay kulamo is daba joog ah oo maalmihii u danbeeyey u dhexeeyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya jooga.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay