Qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si adag loogu cambaareeyay falkii Dibad baxayaal Cadhaysan ay ku weerareen Safaarada Boqortooyada Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Terhan ee dalka Iiraan.

Xubnaha Golaha Ammaanka oo ka jawaabayay Warqad uga timid Dowladda Sacuudiga ayaa sheegay inuu aad u cambaaraynayo falkaasi, waxaana Golaha ay sheegeen in Iiraan looga baahan yahay ilaalinta Safaarada Sacuudiga, Diblumaasiyiinta iyo Qunsuliyada intaba.

Waxaa loogu baaqay labada Dowladood ee Iiraan iyo Sacuudiga inay yareeyaan Xiisadaha ka dhashay Dilkii Sacuudiga uu u gaystay Wadaad Shiico ah oo dalka Saduuciga u dhacay magac waynna ku lahaa Shiicada.

Dowladda Sacuudiga ayaa gabi ahaanba xidhiidhka u jartay Dowladda Iiraan, waxaana tallaabada Sacuudiga uu xidhiidhka ugu jaray Iiraan garab istaagay Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Xiisadaha Siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday dalalka Iiraan iyo Sacuudiga ayaa noqday kuwa cirka isku shareeray oo yeeshay saameyn weyn. Diblumaasiyiinta u dhashay dalka Iiraan ee ku sugan dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa inay iskaga dareeraan dalkaasi, maadaama Sacuudiga ay u qabteen 48 saacadood inay uga baxaan dalkaasi.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay