Wadanka Iiran ayaa lagu wadaa inay dacwad u gudbiso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo uga dacwooneysa Duqayntii ay diyaaradaha Sucuudiga la beegsadeen Safaarada Iran ay ku leedahay caasimada dalka Yemen ee Sanca.
Iran ayaa sheegtay in Sucuudiga si ulla kac ah u duqeeyay safaaradooda Sanca, halkaasi ooy ku dhaawacmeen qaar kamid ah illaalada xarunta Iran ku leedahay caasimada Yemen. Boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegtay in hadafkoodu uu ahaa maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee haysta magaalada Sanca.

Xiisada u dhaxaysa Sucuudiga iyo Iran oo in muddo ah soo taagnayd ayaa sii xumaatay Sabtidii lasoo dhaafay kadib markii Boqortooyada Sucuudiga dishay wadaad Shiico ah oo hogaamin jiray Shiicada ku nool Bariga wadanka Sucuudiga. Falkaasi oo ka cadhaysiiyay Shiicada Iran ayaa dadkoodu xoog ku galeen safaarada Sucuudiga ooy dab qabadsiiyeen.

Dawlada Sucuudiga ayaa xidhiidhka diblumaasiyadeed u jartay wadanka Iran Axadii lasoo dhaafay, Iran ayaa iyaduna Khamiistii shalay joojisay dhamaan badeecadii looga keeni jiray wadanka Sucuudiga iyo waliba dadka Iran safarkii ay ku tagi jireen dhulka barakeysan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay