Hay’ada Xuquuqda Aadamaha u dooda ee fadhigoodu yahay wadanka Maraykanka ee lagu magacaabo Human Rights Watch (HRW), ayaa sheegtay in ciidamada Wayaanuhu ay dileen ugu yaraan 140 muwaadin oo kamid ahaa dibadbaxayaal ka dhiidhiyay dhibaatada uu taliska TPLF ku hayo shucuubta Itoobiya ku hoos dulman.

Kacdoonkan oo intiisa badan uu kasocdo deegaanka ay degto qawmiyada oromada ayaa ujeedada ugu wayn ee shacabkan cisay ay ahayd fashilinta damaca waalan ee gumaysigu uu ku doonayo dhul balaadhsiga iyo boobka hantida shacabka lagu hayo.

Hay’ada HRW ayaa ku cambaaraysay taliska Wayaanaha xasuuqa balaadhan ee loo gaystay shacabka sida nabad galiyada ah dareenkooda u muujinayay ee Oromiya. Sidoo kale waxay HRW ugu baaqday taliska Woyaanaha in jeelasha laga siidaayo dhamaan shacabka sida sharci darida ah loo xidh xidhay een waxba galabsanin.

Waxaa jeelasha kujira shacab aad u tiro badan oo kamid ah qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa kaloo la sheegayaa ineey jiraan qaar badan oon lahaynin meelay jaan iyo cidhib dhigeen, kuwaasoo loo malaynayo inay Woyaanuhu uus-xabaaleen.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay