Weerarkan culus ayaa ka dhacay Xarun Ciidanka Booliska lagu tababaro oo ku taala Magaalada Zliten Ee Galbeedka Wadanka Libya. Xarunta la weeraray waxaa lagu magacaabaa Al-Jahfal.

Nin la socday gaadhi wayn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa ku dhuftay afaafka hore ee Xarunta Al-Jahfal, waxaana ka dhashay khasaaro aad u ballaaran. Ugu yaraan 50 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay weerarkan, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay waxaa la dhigay goobaha caafimaadka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda uu fadhigeedu yahay Magaalada Tripoli, ayaa xaqiijiyay in ka badan 47 qof in ku dhimatay weerarkaasi, halka 100 kalana ay ku dhaawacantay.

Majirto illaa iyo hadda cid sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, balse waxaa lagu tuhmayaa ururada xagjirka ah ee ka dhashay riditaankii Xukuumaddii uu hogaanka u haayay Col. Mucammar Al-Qadaafi.

Weerarkan wuxuu noqonayaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalkaasi, tan iyo markii xoog awoodda looga maquuniyay Madaxweynihii hore Libya, Col. Mucammar Al-Qadaafi mudo hada laga joogo qiyaastii afar sano.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay