Xukuumada Turkiga ayaa hawlgalo ay ka fulisay magaalada Istanbuul baaritaan ka samaysay xafiisyada Xisbiga Sadexaad ee dalkaasi The People’s Democratic Party ee loo yaqaano marka lasoo gaabiyo HDP.

Xisbiga HDP ayaa ah mid ay taageeraan Kurdida dalka ku dhaqan dalka Turkiga, hase yeeshee dawlada ayaa ku eedaysay xisbigan inuu xidhiish hoose oo qarsoodi ah la leeyahay Jabhada hubeysan ee ee l yidhaahdo PKK ee Kurdida, Jabhadaasi ooy xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Ardogan u aqoonsan tahay inay argagaxiso tahay.

Hawlgalkan laga sameeyey xafiiska HDP ay ku leedahay magaalada Istanbuul ayaa lagu soo qabtay dhalinyaro gaadhaysa 6 oo la sheegay inay hub ku qarinayeen xafiisyadaasi, waxaana la sheegay in baadhitaankan wali lagu wado xafiisyada iyo xarumaha kala duwan ee xisbiga HDP.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay