Niman hubaysan oo lala xidhiidhinayo ineey ka tirsan yihiin Ururka ISIS, ayaa weerar ku qaadeen Hotel ku yaala magaaladda loo dalaxiiska tago ee Hurghada ee dalka Masar.

Weerarkan ay kooxdan ku qaadeen Hotelka ayaa waxay u adeegsadeen toori, waxaana ay galeen Hoteelka lagu magacaabo Bella Vista oo ah Hoteelka ay weerarka ku qaadeen.

Labo nin ayaa Mindiyo la dhacay labo ruux oo u dhashay dalka Australia kuwaasoo dalxiis u joogay Magaalada Hurghada, sidoo kale waxay mindi la dhaceen muwaadin u dhashay dalka Denmark.

Dad ku sugnaa Hoteelka weerarkan uu ka dhacay ayaa waxay sheegeen raggan toorida watay inay doonayeen inay afduubtaan Dadka Ajaanibta ah, balse ay u suuragali wayday. Ilaalada Hoteelka ayaa waxaa u suuragashay inay toogtaan labadii ruux ee dhibaatada ka gaysatay Hoteelkaasi.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxay sheegeen labada nin inay wateen calanka lagu yaqaano ISIS ooy kor u qaadayeen calankaasi. Booliiska dalka Masar ayaa wali goobaya weerar yahanno looga shakisanyahay inay qorshaynayaan weeraro kaloo noocan oo kale ah.

Hoteelkan Bella Vista ayaa ah hoteel caan ku ah dalxiisayaasha ajaanibta ah kuwaasoo dalka Masar lacag badan soo galiya. Wadanka Masar ayaa indhawaala ahba xaalad nabad galiyo darri ah ay ka jirtay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay