Dhakhaatiirta UK ayaa shaqo joojintan uga cabanaya arrimo la xidhiidha mushaarka iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan xilligan. Saacadaha ay socoto shaqo-joojintu ayay dhakhaatiirtu sheegeen inay dawayn doonaan oo kaliya bukaannada qaba xaaladaha deg-degga ah, balse ay baaqanayaan kumannaan qalliin oo dhici lahaa iyo dawayntii caadiga ahayd.

Xukuumada Ingiriiska ayaa dhakhaatiirta ka doonaysa inay aqbalaan nidaam cusub oo kordhinaya mushaarkooda, hase yeeshee hoos u dhigaya lacagta ay qaadan doonaan shaqada ay qabanayaan saacadaha habeenka iyo maalmaha nasashada. Dhakhaatiirta ayaa ku andacoonaya in nidaamku yahay xaq-darro lid ku ah iyaga iyo dadka bukaanka ah.

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, David Cameron ayaa sheegay in shaqo-joojinta dhakhaatiirtu ay keentay khasaare.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay