Wadanka Iran ayaa Sabtidii si rasmi ah looga qaaday cunaqabatayntii saarnayd dalkaasi kadib markii ay kasoo baxday shuruudihii ku qornaa heshiiskii Xakamaynta Barnaamijka Nukliyeerka ee wadankaasi.

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Nukliyeerka ee (IAEA) ayaa xaqiijisay in xukuumada Iran ay ka dhabaysay qodobadii ku qornaa heshiiskii bishii July ee sanadkii hore ay wada gaadheen Iran iyo dowlada awooda kuleh Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Sabtidii shalay ayay magaalada Vienna ee dalka Austria ku kulmeen Xoghyaha Arrimaha Dibada Maraykanka John Kerry iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee IRAN Maxamed Zarif, kuwaasoo ku tilmaamay guul diblumaasiyadeed dhaqan-galinta heshiiskaasi.

Madaxweynaha Iran Xassan Rowxaani oo maanta lahadlay Warbaahinta wadankaasi ayaa sheegay inay guul taariikhi ah u tahay wadanka Iran in laga qaado cunaqabatayntii saarnayd mudada dheer.

Heshiiska dhexmaray Iran iyo lixda dal oo kala ah Maraykanka, Ruushka, France, Germany, China iyo UK ayaa qorayay in hoos loo dhigo cadadka awooda Nukliyeerka ee Iran si aan wax hub looga samayn, isla markaana waxaa xakamayn la dul dhigay awooda barnaamijka Gantaalada ridada dheer ee qaadi kara bambaanada Nukliyeerka.

Dalka Iran ayaa dhankiisa loo balan qaaday in laga qaadi doono Cunaqabataynta caalamiga ee dhaqaale iyo militari ee saaran, sidoo kalena loo fasixi doono dhaqaalihii Iran dibada u yaalay ee laga xayiray, dhaqaalahaasi oo lagu qiyaasayo 150 bilyan oo dollar.

Qaar kamid ah dalalka Bariga dhexe ayaa si weyn uga soo horjeeday heshiiskan sida Dowlada Sucuudiga iyo Maamulka Isra’iil oo sheegay in ay khalad tahay in la qaado cunaqabataynta saaran dalkaasi, waxayna sidoo kale walaac ka muujiyeen in dhaqaalaha loo fasaxay Iran ay ku maalgelin doonto kooxaha Iran xidhiidhka laleh ee ka dagaalamaya guud ahaan Bariga Dhexe.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay