Kulanka hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran ooy kasoo qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamad Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirro katirsan Xukuumadda Fedaraalka ah iyo Xildhibaano Baarlamaanka Federaalka katirsan, wasiiro iyo xildhibaano kasocda dowlad goboleedyada iyo guddiyada hawlwadeenada iyo farsamada.

Kulankan oo lagu qabtay magaalada Kismaayo, 10-14 Janaayo 2016, waxaa uu daba socday baaqii Muqdisho ee 16 Diseember 2015 kasoo baxay kulankii madasha wadatashiga Qaranka ee labaad.

Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyadu waxay dadaal dheer u galeen kamidha dhalinta wadaxaajoodka Kismaayo, ee xulashada qaab doorasho oo la dhaqan galin karo 2016-ka, iyo qorshaha meelmarinta hab doorasho. Waxaay si qoto dheer uga wada hadleen sidii ay isugu waafaqi lahaayeen qaab doorasho oo wadar ogol ah, kaasoo waafaqsan Baaqii Muqdisho.

Haddaba madaxdu iyagoo ogsoon xilliga lagu jiro iyo sida shacabka Soomaaliyeed uga dhursugayaan natiijada shirkan ayaa waxay ku faraxsanyihiin tallaaboyinka wax ku ool ka ah ee laqaaday iyo jawigii wanaagsanaa ee wadahadaladu ku qabsoomeen.

Guud ahaan wax badan ayay madaxdu isla meel dhigeen, waxyaabaha xaga farsadama la xidhiidha ee harsana waxaa lagu dhamayn doonaa kulanka ay martigalin doonto dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo dhowaan la qaban doono.

Dhamaan Madaxda kala duwan iyo ergada madashu waxay si gaar ah oon lasoo koobi karin ugu mahad celinayaan dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabkeeda ee sida wanaagsan ee gobanimada leh u martigaliyay ergooyinkii madasha wada tashiga hiigsiga 2016.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay