Warar laga soo xigtay saxaafada aduunka ayaa sheegaya in Safaaradda dalka Maraykanka ee Ciraaq ayxaqiijisay in saddex muwaadin oo u dhashay dalka Maraykanka lagu afduubay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Saddexda qof ee u dhashay dalka Maraykanka ayaa waxaa lasocday qof kaloo u dhashey dalka Ciraaq oo ahaa turjubaankoodii kaasoo isagana lala afduubtey sadaxdan qof.

Sarkaal katirsan Booliska Ciraaq ayaa sheegay in saddex qof oo Marykan ah iyo turjubaankoodii lagu afduubay Koonfurta magaalada Baqdaad waxaana afduubtay Malayshiyo soo xidhatay dharka ciidamada dalka Ciraaq.

Jariirada Washington Post ayaa sheegaysa in saddexda qof ee la afduubay asal ahaan ay kasoo jeedaan dalka Ciraaq. Washington Post ayaa qortay in afduubkan ay ka danbeeyaan malayshiyo Shiico ah, waxaana ay la xidhiidhaa Koox ka dhisan  dalka Iran oo ka xanaaqsan maxaabiis Maraykan ah oo Axadii laga sii daayay xabsiga magaalada Tehraan ee caasimada dalka Iiraan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay