Xukuumada Britain ayaa ku bixinayasa in ka badan labaatan iyo siddeed milyan oo dollarka Maraykanka ah si loogu dhiiri galiyo dumarka muslinka ah ee waddanka UK kunool inay bartaan luuqada Ingiriiska ee lagaga hadlo wadanka UK.

Waxay kamid tahay barnaamijkan la abuurayo bulsho is dhexgasha oo xidhiidh iyo iskaashi guud leh iyo la dagaalanka waxa la yidhaahdo argagixisada oo kusii fidaysa wadamada ree Galbeedka.

Ra’iisalwasaaraha Britain David Cameron, ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah nimanka muslimiinta ah inay qabaan dhaqan aad u danbeeya ayna si xun ugu taliyaan tobanaan kun oo dumar muslimiin ah oon ku hadli karin luuqada Ingiriiska.

Wuxuu sheegay Britain waa inay si adag u difaacdaa xoriyada Haweenka iyo dadka dulman. Dumarka ku imaada Visa guur ayaa laga qaadi doonaa imtixaan, hadiii ay rabaan inay sii joogaan dalka UK ama dalbadaan inay qaataan dhalasho wadanka UK.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay