Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa qorshe xal waara loogu raadinayo xad gudubyada & xasuuqa baahsan ee lagu hayo shucuubta Itoobiya ku hoos dulman ee taliska Woyaanuhu ay ku hayaan shacabka kasoo saaray.

Qorshahan ayay xubnaha Baarlamaanka Midawga Yurub kaga arinsanayaa in taliska Gumaysiga Itoobiya uu xad gudubyo ka dhan ah banii’aadminada iyo gabood fal waxshinimo leh uu kula dhaqmay shacabka Itoobiya gaar ahaan qawmiyada Oromiya.

Qorshahan ayay xildhibaanadu kaga doodi doonaan In Itoobiya aysan cadaalad, dimuqraadiyad iyo ixtiraam ama tixgalin xuquuqda banii’aadamka aysan kaa jirin. Waxaa qorshahan lagu sheegay in dhibaatooyinka kasoo yeedhaya Itoobiya aan loosii dulqaadan doonin kuwaasoo ubaahan in sidii xal waara loogu heli lahaa laga shaqeeyo.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay