Dalka Tuunis waxaa lagaga dhawaaqay xukun bandow ah oo waqtiga habeenimada ah dalka oo dhan laga dhaqan gelinayo kaddib afar maalmood ooy magaalooyiinka dalkaas ka dhacayeen muddaharaadyo waawayn oo ku saabsan shaqa la’aanta.

Muddaharaadyadu waxay isu-beddeleen qalalaase, bililiqo, iyo dagaallo ka dhacay deegaanno badan. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee wadanka Tuunis waxay sheegtay in dadka muddaharaadaya ay halis galiyeen nabadgelyada qaranka.

Ra’iisal Wasaare, Xabiib Cesid waxaa uu soo gaabinayaa booqasho uu Yurub ku marayay si uu xaaladda wax uga qabto. Shaqa la’aanta dalkaasi kajirta ayaa sii xumaatay tan iyo markii kacaanku uu dalka ka dhacay shan sano kahor, markaasoo xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Zaynul-Caabidiin Bin Cali.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay