Masuuliinta badda ee dalka Giriiga ayaa sheegay inay heleen meydadka 15 qof oo laba doon oo kala duwan ay kula degtay jasiiradaha dalkaas xilli qul-qulka qaxootiga ee kusii jeeda qaarada Yurub wali uu socdo.

Waxaa hadda socda baadhitaanno lagu baadi goobayo dad kaloo la la’ yahay geeri iyo nolol. Ilaalada xeebaha Giriiga waxay sheegeen in 41 qof ay soo gaadheen xeebaha kadib markay doon kula degtay meel u dhow xeebta jasiiradda yar ee Farmakonissi ee kutala Bariga badda Aegean-ka. Waxaa sidoo kale halkaas laga helay meydad toddobo qof ah.

Dhacdo taas ka duwanna, 26 qof ayaa ka bad baaday doon ku degtay xeebta jasiiradda Kalolimnos, hase yeeshee waxaa sidoo kale halkaas laga helay meydadka sideed qof.

Ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay horraantii tododbaadkan in qiyaastii 31,244 qof oo tahriibayaal ah ay yimaadeen badaha Giriiga, tan iyo billowgii sanadkan 2016.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay