Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 13/01/2016 ka furay magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelada Dhexe shirka maamulka loogu samaynaayo gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.

Shirka ayaan soo dhaafin maalintii furitaanka, waxaana hadheeyay khilaaf maalinba maalinta ka danbeysa sii waynaanayey. Ergooyin badan oo shirka u yimid inay ka qaybgalaan ayaa dib ugu noqday deegaanadoodi, kadib markay saluugeen qaabka shirka loo maamulay iyo qoondada la siiyay.

Ergooyinka ayaa ku eedeeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya inaysan si wanaagsan u maamulayn shirka isla markaana ay carqalad ku tahay.

Horay waxaa shirkan u diidey inay ka qaybgalaan qaar kamid ah beelaha Hiiraan. Beelaha Hiiraan ayaa wada inay shir ku qabtaan Beledweyne, iyagoo qaarkood u ol-oleynaya in loo oggolaado inay si toos ah u hootagaan Dowladda Federaalka, taasoo dastuurku u oggolaanayo.

Dawladda Federaalka ayaa horay u go’aamisey, halka shirka lagu qabanaayo, caasimadda maamulkaas, waxaana soo baxaya in magaca loo bixinaayona ay Dawladdu wadato. Arimahaasoo idil ayaa kamid ah caqabadaha hakiyay in shirkan guul laga gaadho.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay