Waxaa jidadka magaalooyinka waa wayn ee dalka Masar jooga ciidan iyo boliis badan, si looga hortago in la sameeyo mudaaharaadyo lagu xusayo shan guuradii kasoo wareegtay kacdoonkii lagu riday madaxweyne Xusni Mubarak sanadkii 2011.

Waxaa xooga la saaray fagaaraha wayn ee Al-Taxriree kaasoo ku yaala badhtamaha magaalada Qaahira, halkaasoo xarun u hayd mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday taliskii Xusni Mubaarak. Maalmihii ugu danbeeyay, ilaa shan kun oo guryo ayaa magaalo madaxda boliisku baadhay, iyagoo raadinaya dad qorshaynaya banaanbaxyo.

Kooxaha xuquuqda bini’aadamka i dooda ayaa sheegay in xaalada Masar ay hadda kasii darayso. Amnesty International ayaa sheegtay in waddanka uu ku noqday waddan xukun adag, markuu xukunka qabtay Cabdul Fatax Al-Sisiiyo in rajadii kacaanka la baabi’iyay.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay