Waxaa dib u dhacay shirkii ay waday ha’ayada Qaramada Midoobay ee UN oo lagu waday inay dhacaan horaanta bishan sii dhamaanaysa een kujirno sidana waxaa sheegay u qaabilsanaha qaramada midoobay ee arimaha dalka Suuriya.

Waxaa shirkan lagu wadaa inuu bilaabmo bishan 29 keeda iyadoo buu yidhi wakiilka qaramada midoobay aan wada ognahay wixii ka dhacay Geneva 2, waana inaan ka fikirna inaan bilowno iyo goormaan bilownaa wuxuuna soconi doonaa shirkani mudo lix bilood ah.

Wuxuu yidhi wakiilku, “ Maalinta dhabta ah ee uu shirku bilaabani lahaa waa maanta, balse waxaanu soo diri doonaa casuumado, waxaana sababay arintan kala duwanaanshe aragtiyeed oo kala duwan iyo iskhilaaf”.

Shirkan ayaa wuxuu ka danbeeyay shirar ay beesha caalamka iyo dowladaha gobolku ku lahaayeen Geneva iyo New York oo uu Sucuudigu la keenay diiwaanka mucaaradka ka qayb galya shirka dib u heshiisiinta. Wadanka Suuriya ayaa waxaa ku dhintay ilaa 250,000 oo qof halka uu sababay baro-kac iyo bur bur badan oo lasoo koobi karin baaxadiisa.

Waxaa sidoo kale ku kala aragti duwan qaabka loo maaraynayo wadankaasi dhibaatada ka taagan wadamada deegaanka sida Turkiga, Iran iyo Sucuudiga halka ay sidoo kale aragtiyo kala duwan ka leeyihiin wadamada quwadaha dunidu ugu waa wayn leh sidii xal loogu soo dabaali lahaa dalka suuriya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay