Waxaan aad ugu fiirsaday ninkii oo wali sii wada hadalkii eedaynta iyo ammaanta isugu jiray. Waxaan da’diisa ku qiyaasay dhawr iyo konton jir. Wuxuu xidhan yahay Shulug (Qamiis) cad oo gondaha u jooga, madaxa wuxuu ku hagoogn yahay Cumaamad cad oo uu labada dhinac ka dajiyay. Ma hubo in Cumaamada Koofiyadi uga hoosayso. Wuxuu leeyahay Gadh ku go’an Shaarubaha oon filayo inaan muddo la xiirin. Gadhkiisu Cirro ayuu u badan yahay, marbana gacanta ayuu ku salaaxaya, sidii isagoo saxar ka bixinaya.

Wuxuu xidhan yahay Kabo buudh ah oo aad u qurux badan. Waxay la nooc yihiin Kabo aan Dukaanka Clarks maalin dhawayd ku arkay, oo damac iga galay, laakiin aan lacagtooda goyn kari waayay. Sanka caaraddiisa waxaa ka saaran dhawr xabbo oo dhidid ah. Ma jirin kulayl lala dhidido, laakiin waxaan filayaa waxa uu sheegayo iyo niyaddiisa ayaa is-diiddanaa, oo hardan qalbigiisa iyo carrabkiisa u dhexeeya ayaa fidhfidhka ka keenay.

Baryihii hore dadku muuqaalka iyo meeqaankaba way ku kala soocnaayeen. Qof walba marka aad muuqiisa aragto ayaad qiyaasi jirtay miisaanka uu bulshada ku dhex-leeyahay. Dadka martabada ku leh bulshadu waxay lahaan jireen qaab ay u labbistaan, dhaqankooduna wuxuu ka turjumi jiray qaabka ay u labbiisan yihiin.

Qofka ku labbisan huga culimada waxaa laga fili jiray inuu yahay qof had iyo goore wanaagga iyo xaqa u hiiliya, oo xumaha iyo dulmiga ka soo horjeeda.
Soomaalidii hore, in kastoo ayna aqoon dheer Diinta u lahayn, haddana waxay rumaysnaayeen in culimadu ay yihiin dhaxalkii Anbiyada lagala hadhay, sidaas darteed waxay culimada u muujin jireen qaddarin aan la qiyaasi karin, culimada wan-wanaagsanina waxay ka turjumi jireen mudnaanta la siiyay oo marna ma ayna dhici jirin inay si badheedh ah xaqa u weeraraan ama dulmi sidaha la saftaan.

Nasiib darro casrigan hadda la joogo waxaa batay is-dhexyaaca bulsho oo waxaa xakamaha goostay xayndaabkii u dhexeeyay bulshada xubnaheeda kala duwan. Sida magaalooyinkii iyo hantidii taallay loo kala bililiqaystay, ayaa magicii iyo muuqaalkiina loo kala boobay. Waxaa soo baxay dad aanay muuqaalkooda iyo dhaqankoodu is lahayn. Dad diinta iyo dhaqanka suuban dusha sare uun ku wata, oo ficilkooda iyo dhaqankooduba Diinta ka soo horjeedo.

Ninkii ayaan ku idhi su’aal ma ku waydiin karaa? Intuu Indho gud-guduudan oo galka wax yar ka soo baxsan igu eegay, ayuu yidhi haa, wuxuuna raaciyay, maxaa dhacay? Waxaan ku idhi ONLF lagama hadlaynin, waxaa laga hadlayay dhibaatada ka dhalatay Abaaraha ka jira gobolka Geeska Afrika, haddana ma waxaad qabtaa in dhibaatada oo dhanba ay ONLF masuul ka tahay?

Ninkii ayaa si aad ah ii eegay, waxaanad moodaysay inuu tirinayo inta shay ee aan wato, wuxuuna ku dhawaaday inuu qooraansado boorasadii aan watay oo wali siibku u furn yahay. Ma garanayo wuxuu iga baadi-goobayay, waxaanse u malayn inuu calaamad ONLF leedahay iga raadinayay. Waxaa iyaguna daymo dhagareed igu eegay dhawr qof oo ka mid ah dadkii meesha fadhiyay.

Wuxuu iigu jawaabay “Adeer meel bugtiyo fartaa is-og bay Soomaalidu ku maahmaahdaa” Waxaa kaloo lagu ducaystaa “Ilaahayow Col iyo Abaar naga hay” Waxaa la hormariyay Colka, sababtoo ah wuu ka dhibaato badan yahay.
Nimankan aad sheegaysana iyagaa colaadda abuuray, oo Soomaali oo dhan dartood baa loo gubayaa.

Waxaan ku idhi; Murtida aad sheegtay waa sax, laakiin munaasabad khaldan ayaad u daliishatay, waxaanse ku waydiiyay ONLF ma dhulka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ayay ka dagaallantaa, mise Addis iyo Maqalle ayay ka dagaallantaa? Itoobiya ma iyadaa dalkeedii ka timid oo dal kale inay gumaysato rabta, mise waddankeedii baa loogu tagay?

Wuxuu iigu jawaabay ONLF dhul uma dagaallanto, dadka dhulkaas degana ma matasho ee dano u gaar ah ayay rabshada u waddaa.

Waxaan ku celiyay, ma la socotaa waxay ay ONLF u dagaallamayso oo barnaamijkeeda siyaasiga ah iyo mabaadii’deeda ma akhriday.

Wuxuu iigu jawaabay ma akhriyin barnaamijkeeda, laakiin waxaan ogahay inay dhib ku hayaan gobolka oo nabad iyo nololba u diiddan yihiin.

Waxaan waydiiyay, haddaan cumaamadaada kaa xoogo oo aan ku idhaahdo nabad qaado iyadoo aanan cumaamadaadii ku siinin, ma xaq baa.
Wuxuu iigu jawaabay iyaga wax laga xoogay ma jiro ee dagaal loo soo wakiishay ayay wadaan.

Waxaan haddana waydiiyay ma rumaysan tahay in muslimiinta ay waajib ku tahay inay dagaallamaan haddii dhulkooda gaalo ku soo duusho oo ka qaadato.
Markaan halkaas isla marayno ayuu nin kale hadalkii boobay oo yidhi, “war doodda ha sii fogaynina ee bal raga kalana wax ka siiya”. Qaar dadkii ka mid ah ayaa iyaguna kacay, oo fadhigii ka tagay, laakiin markiiba dad kuraas la’aani haysay oo meesha tubnaa ayaa boosaskoodii buuxiyay.

Ninkii ayaan mar kale ka codsaday inuu ka jawaabo su’aashii aan waydiiyay, hase yeeshee meeshii uu jawaab iga siin lahaa wuxuu billaabay inuu cadhoodo oo igu eedeeyo inaan ka mid ahay dadka maskaxda laga khalday ee “rehabilitation-ka” u baahan. Rehabilitation waa kalmad ingiriisi ah oo macanheedu yahay “dhaqan celin”.

Dadka dabin ka-boodka ah ee ogsoon waxa ay sheegayaan inaanuu xaq ahayn ayaa lagu yaqaanaa inay hadalka leexiyaan oo ula kacaan meesha ay marba is-leeyihiin waad isku difaaci kartaan. Ninkii aan jawaabta ka sugayay ee doodad caadiga ahi noo dhaxaysay wuxuu billaabay weerar shakhsi ah, sababtoo ah wuxuu si fiican u garanayaa baadilka uu ku taagan yahay iyo xaqa loo sheegayo ee uu diiddan yahay. Waxaan soo xusuustay hadal gaf ah oo Soomaalidu baryahan denbe iska isticmaasho, kaasoo macnihiisu yahay “Hebal Bariiska unbaa meeshaas ka galay”, oo loola jeedo munaasab ma aha waxa uu ka shaqaynayo ama meesha uu ku sugan yahay ee nacfi unbaa u geeyay.

Ninkii ayaan mar kale dib u eegay, waxaana isu kay qaban waayay muuqaalkiisa iyo siduu u dhaqmayo. Qof diinta ka fogaaday in dhaqan celin loo diro waan maqlay, laakiin qof diintii ku doodaya in la yidhaahdo dhaqan celin baad u baahan tahay waa “xaajo ugub”. Xaggee loo dhaqan celin.
Waxaan ogaaday in ninkani uu la mid yahay dadkii Nabiga NNK lagu amray inuu ka fogaado ee lagu yidhi “Ka jeedso dadka jaahiliinta ah”. Markaas ayaan isku daray kicitaan iyo inaan ninkii ku halgaado hadal si cadho ah iiga soo baxay, waxaanan ku idhi “hugaagiyo hadalkaagu isma laha” ee dadka u muuji qofkaad tahay, hana ku gabbanin labbiska culimada.

Waxaan si toos ah u aaday meel aan ku cadha baaba’o. Meesha kaliya ee xilliganoo kale aan u baahanahay waxay ahayd qaybta hadalku mamnuuca ka yahay ee Maktabadda (Library). Kursi iyo miis meel koone ah yaalla ayaan qalabkaygii ku kala furfurtay. Kumbiyuutarkaygii yaraa ayaan la soo kala baxay, waxaanan billaabay inaan qoro dhacdadii aan makhaayadda kala soo kulmay.

Qaybtan markaad soo gasho waxaa waajib kugu ah inaad tilifoonkaaga afka qabato (silent), haddii kaloo uu soo dhaco adigoo halkan fadhiya, waxaa suuragal ah in digniin la’aan lagaa bixiyo maktabadda, sidaas darteed markii aan meesha soo galayba waan aamusiiyay, dana kama galin ballantii aan saaxiibkay la lahaa, sababtoo ah isagaaba waxanoo dhan iigu wacnaa oo i fadhiisiiyay meel aan munaasab ahayn.

Waxaan soo xusuustay nin saaxiibkay ah, oo inuu gooni joog yahay aan barigii hore ku xaman jirnay. Ninkani wuxuu neceb yahay meelaha ay Soomaalidu isugu timaado, waxaana inta badan lagu arkaa meelaha ayna Soomaalidu ku badnayn ee suuqa wayn ku dhex-yaalla. Markii ugu horraysay een waydiiyo sababta uu deegaannada Soomaalida uga cararo, wuxuu iigu jawaabay “xigaalnimadiina way illaaween, xaqiina way garab mareen, markaa ma doonayo xanuunka i haya inay mid kale iigu daraan”.

Markii aan ninkaas si fiican u bartay een la qaatay dabeecadii baal-daaqnimada ahayd, waxaan ogaaday inuu yahay nin u dhashay deegaanka Ogaadeenya ee Itoobiya gumaysato, isla markaana uu gumaysigu dhibaatooyin shakhsi ah isaga iyo ehalkiisa u gaystay. Markii aan dhab u bartay ninkan, waxaan ogaaday inaanuu Soomaalida necbayn, balse uu yahay nin dhaqanyahayn oo waliba magaca iyo dhaqanka Soomaalinimo ku faana oo si wayn ugu dhaata. Hase yeeshee wuxuu Soomaalida ka tirsanayaa godob wayn, wuxuuna aaminsan yahay inay marka kowaad kala bakhayleen taageeradii ehelnimada iyo Soomaalinimada, marka labaadna ay u af-celinayaan gumaysigii uu la dagaallamayay.

Wuxuu ii sheegay inaanuu jirin gobol soomaaliyeed oo dadwaynaha Ogaadeenya u ku nabadgali karaan, isla markaana maamullada Soomaalidu ay xalaashadeen dhiigga dadkaas, oo qaarna meelahaas lagu laayo, qaar kale oo badana cadowga loo dhiibo. Godobta kaliya ee ay galeena ay tahay inay la colloobeen oo la dagaallameen gumaysiga Itoobiya. Xataa dadwaynaha caadiga ah ee dibadahan joogaa waxay qaateen siyaasadihii maamulladooda, oo waxay cadaawad iyo colaad u hayaan dadkaas iyo ururradooda.

Tusaalooyinka uu ku celceliyo waxaa ka mid ah in wadammada carbeed ay qadiyada Falastiin dhinac isaga dhigeen oo hadda ayna wax taageero ah siinin, laakiin arrinta ay wali ka fuqi la’yihiin ay tahay in “Falastiin la gumaysto”. Wuxuu ii sheegay in Soomaalidu ay xataa u quudhi la’dahay inuu jiro dhul soomaaliyeed oo Itoobiya gumaysato. Wuxuu yidhi, waxay u hiiliyaan Itoobiya oo dulmiile ah, waxayna ku gabood-falaan Ogaadeenya, oo la gumaysto oo dadkeedii la xasuuqayo.
Ma hubo in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay ka siman yihiin dabeecadda uu saaxiibkay ku sheegayo, laakiin waxaa hubaal ah in intooda badani ay ka gaabiyeen waajibkii ka saarnaa garab siinta dadka soomaaliyeed ee xaq u-dirirka ah, ayna u qaybsameen in indhaha ka daawanaysa dhibaatada walaalladood lagu hayo iyo in cadowgii u hiilisay.

Waxaa jirta maahmaah soomaaliyeed oo tidhaahda “Waranka qofka kugu dhufta iyo qofka kugu liiliijiya waa isugu kaa mid”. Qof aad ka filaysay inuu kuu hiiliyo oo maalinta aad dalleensan tahay garabka ku qabto, hadduu kugu wiirsado ama cadowgaagii kuu soo raaco, waxay kugu noqonaysaa uur ku-taallo aan waligaa kaa hadhaynin, sidaas darteed haddaan Soomaali nahay waxaa inla gudoob inaan dadka gumaysiga la dagaallamaya taageerno ama aan dhibka ka dayno.

Waa inaan maanka ku haynaa oo fulinaa Xadiiskii Nabiga NNK ee macnihiisu ahaa “Baadilka Addin ku suuli, haddii aadan awoodin Af ku suuli, haddii aadan awoodin Niyadda ka necbow”. Hadda gumaysiga qofkii awooda ha la dagaallamo, qofkii aan awoodin, niyadda ha ka naco oo dadka la dagaallamaya ha u duceeyo. Dhamaad.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay