Ruug Cadaagii Soo Rogaal Celi!! Mudane Faarax Macalim Dawaare ayaa waxaa uu maanta Magaalada Nairobi kaga Dhawaaqay inuu u taagan yahay Doorashada Lafilayo inay ka dhacdo wadanka Kenya Sanadka 2017, Gursiga  Baarlamaanka Caasimada Gobalka Waqooyi Bari Kenya ee Gaarisa.

Musharax Faarax Macalin oo maanta  Munaasabad Qado ah ugu Qabtay Aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu soo bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasiga ah ee  kuwajahan Geeska  Afriga Gaar ahaan Wadanka Kenya iyo umada Soomaaliyeed .

Halgame Faarax Macalin oo ku caanbaxay Geesinimo iyo inuuna marnaba Xaqa kagabanin ayaa waxaa uu yidhi ”Ethiopia Waxay Rabtaa meelkastooy Soomaali ku Dhaqan tahay Inay Abdi Iley oo kale keensato ”.

Halgame Dawaare oo Wareysi gaar ah Siiyay IlaysTV ayaa waxaa kamid ahaa Wareysigiisa ” Waxaan balan ku qaadi inay Soomaaliya Xoroobi doonto una Soo bixidoonaan Geesiyaal, Kay Ethiopia Gumeysatana uu Xoroobi Doono Aniguna aan Xaqeygi helidoono”.

Waraysigaasi oo Dhameystiran Ayaa Waxaad ka daawan kartaan IlaysTV.

Hoos ka Daawo Hordhaca Wareysiga.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay