Ma jecli inaan ku negaado meelaha ay soomaalidu ku sheekaysato (makhaayadaha), sababtoo ah intooda badan laguma hayo wax bulshada faa’iido u leh, waxayna u badan tahay inaad denbi ka korodhsato, maadaama sheekada lagu hayo ay dacaayad iyo muran u badan tahay, hase yeeshee saxiibkay ayaa mar kastoo aan kulmayno igu qasba inaan makhaayada ku sugo.

Kama diidi karo oo waa saaxiib qaali ah oo kulankiisa aan wax badan ka faa’iido. Faa’iidada la-kulankiisa ka sokow, wuxuu marar badan igu eedeeyaa inaanan soomaalida jeclayn, caddaynta kaliyee uu hayana waa anigoon ku xasilin baraha ay isugu yimaadaan, sheekadoodana aanan jeclayn. Ma aha caddayn lagu qanci karo, laakiin waxay hordhac u noqon kartaa mawjado waa-wayn oo xanbaarsan eedaymo intaas ka sii cul-culus.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaan u soo qasdiyay makhaayadii ay ballantu ahayd inaan saaxiibkay iska raacno. Marka meelahan la yimaado inta badan waxa ugu wayn ee laga walwalo waxaa weeye sidii baarkin (car parking) lagu helaa. Ilaahay waa ii dhib yareeyay, oo nin raran oo labo Bacood oo waawayn gacmaha ku wata ayaan meel tahan ah ka arkay. Dhinacayga ayuu u soo socday, waxaanan markiiba qiyaasay inuu u soo socdo mid ka mid ah baabuurta meesha ku qabbiran. Bartaydii ayaan istaagay, oo taayir denbe ma rogin, waxaanan goostay inaanan halkaas ka dhaqaaqin intaan ka hubinayo baabuurka uu ninku u socdo.

Intii aan Waddada dhex-taagnaa baabuur kale ayaa saf soo gashay. Ma hubo inay baarkin doonayeen iyo inay jidka uun iska soo mareen. Wadayaasha baabuurta ee waddankani (UK) waa wada-hayin, oo ilaa aad dhinac uga dhaqaaqdo way iska kaa sugayaan. Waxaan filayaa duruuftaa hayin ka dhigtay, sababtoo ah waddankan waddooyinkiisu aad bay u yar-yar yihiin, waliba magaalooyinka dhexdoodu way ka sii xag-jiraan.

Indhaha ayaan ninkii iskala hadalnay, si fiican ayuuna u fahmay inaan booskiisa sugayo. Nin fiican buu ahaa oo markiiba intuu labadii Bacood gadaal galiyay, ayuu si degdeg ah baabuurkii ku dhaqaajiyay. Darawaliinta qaarkood intayna dhaqaaqin ayay tilifoon ku hadlaan, markaasy kugu qasbaan inaad muddo sugto ama aad iskaba tagto iyagoo wali tilifoonkii ku hadlaya.

Makhaayadu waxay ku taallaa meel luuq-luuq ah, oo laba gidaar dhexdood ayaa loo maraa, ka dibna jaranjar ayaa la fuulaa. Makhaayadaha soomaalida intooda badani ma laha marin fiican oo loo maro, reero kale muskood ayayna ku yaalliin.

Qaylada iyo sawaxanka ka soo baxaya ragga makhaayada ku sheekaysanaya, waxaa laga maqlayaa jaranjarta, waxaanad u malaynaysaa inaad soo gashay Garoon Ciyaareed. Ma filayo in soo galitaankaygii ay cidi ku baraarugtay, sababtoo ah dadka meesha fadhiya intooda badani way mashquulsanaayeen. Qaarkood waxaa u socota dood aad u qallafsan oo Xiniinyo-taabad ah. Qaar kale gooradda ayay iskula jiraan, oo sheeko gaar ah ayay haystaan.
Qaar baa isku dayaya inay dhagaystaan warka ka socda tilifishin meeshii ugu danbaysay la geeyay. Qaar baa iyagu iska baraad la’ oon filayo inay illoobeenba shaahii hor-yaallay. Waxaa jiray dad yar oo iyaguna cunto loo keenay boobaya oo doonaya inay meesha buuqeeda iskaga cararaan.

Markii aan Makhaayada soo galay ayaan si wadar ah dadkii u salaamay, hase yeeshee nin dhalinyaro ah oo meel koone ah fadhiyay ayaa salaantii iga qaaday. Dadka kale ma filayo inay I maqlayeen. Iyaga ayaa isku mashquulsanaa. Ninkii dhalinyarada ahaa ayaan ag-fadhiistay, ka dibna alaabo yar oon gacanta ku watay ayaan miiskii saaray. Ninkii dhalinyarada ahaa ayaa, isgoo dhoolla-caddaynaya, iga codsaday inuu akhriyo Joornaal aan watay. Aniguna waan ka yeelay codsigiisii. Wuxuu u ekaa nin sidayda dani meesha ku soo qasabtay oo aan wali la qabsanin qaabka looga dhaqmo fadhiyada noocanoo kale ah.

Qudhaydu markii aan cabbaar fiir-fiiriyay dadka meesha fadhiya, sheekooyinkooda u dhega-raariciyay, ayaan la soo kala baxay buug meel dhexe ii marayay oo aan akhris ku billaabay. Waxaan arkayay qaar dadkii ka mid ah oo hoos wax isu waydiinaya. Ma maqlaynin waxay is-waydiinayeen, laakiin waxaan u malayn inay nala yaabbanaayeen, oo is-lahaayeen nimankan martida u egi xaggay ka yimaadeen.

In muddo ah markii aan meeshii fadhiyay, xilligii aan saaxiibkay la ballansanaana la joogo, ayuu tilifoonkaygii soo dhacay. Haddaan qabtay waa saaxiibkay oo ka cudurdaaranaya inuu qaddar yar soo daahayo, balse igu adkeeyay inaan bartaas ku sugo. Ha la yeelo ayaan idhi, waxaanse ka sii walwalsanaa in “qaddarka yari” uu saacad noqdo.

Markii aan tilifoonka dhigayba waxaa dareenkayga jiidatay sheekadii meesha ka socotay oo gashay arrimo dareenkayga taabtay. Waxaa laga doodayay Abaaraha ka taagan gobolka Geeska Afrika iyo saamaynta ay ku yeesheen bulshada halkaas ku dhaqan ee Soomaalida u badan. Nin raggii ka mid ah, oon filayo inuu dhawaan ka soo noqday Soomaaliya, ayaa faallo kooban ka bixiyay dhibaatadu heerka ay gaadhay, wuxuuna sheegay in meel kastoo Soomaali degto ay maanta dhibaatada Abaartu isku meel u joogto, gurmadkii loo baahnaana ayna dadkaasi haysanin. Wuxuu kaloo intaas raaciyay in dadka Soomaaliyeed ay Abaarta colaadi u weheliso oo deegaannada Soomaalida intooda badan ay dagaallo ka socdaan. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay inuu soo arkay xaaladda ka jirta gobollo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Iyadoo ninkii warramayay aanuu wali hadalkii ka dagin, ayaa nin ka soo horjeeday hadalkii boobay oo yidhi, anigu waxaan rumaysanahay in nimanka colaadda hurinaya ay Abaarta nooga daran yihiin. Abaaruhu naguma cusba, laakiin waxaa nagu cusub dagaallada macana la’aanta ah ee maatida lagu gumaadayo.

Hadal la filayay ma ahayn, laakiin si biya-dhaca hadalkiisa loo ogaado, waxaad moodaysay inay dadkoo dhami ku heshiiyeen in la dhagaysto, hase yeeshee nin meesha ku shaahaynayay ayaa su’aal ku soo tuuray oo yidhi, ma Shabaab baa nimanka aad sheegayso?

Dadkii meesha fadhiyay qaar ka mid ah ayaa aad u dhibsaday su’aasha ninku soo tuuray, waxaanan filayaa inay ka xumaayeen in Shabaab la soo hadal-qaado. Oday markii hore tilifishinka fiirsanayay, ayaa intuu u soo xamaartay dhinicii sheekadu ka socotay, wuxuu yidhi ma fiicna in Islaamka la af-lagaadeeyo. Ninkii su’aasha keenay ayaa cudurdaartay oo yidhi Adeer aniga su’aal unbay iga ahaydee wax-dhimaal ulama jeedin. Nin kale ayaa yidhi dagaalka xaqa ah faa’iido mooyee khasaare ma keeno. Nin kale, oo ay ka muuqato inuu ka cabsanayay in sheekadu baahdo, ayaa yidhi, war bal u kaadiya nin baa hadalka watayee aan ka dhur-sugnee.

Ninkii hadalka boobay, oon filayo inuu ku faraxsanaa mudnaanta la siiyay, ayaa, intuu Gadhka salaaxay, wuxuu yidhi; Anigu nimanka aan u jeedo Shabaab ma aha ee waa nimanka “Onaleef” la yidhaahdo oon qabo in dhibaatada Soomaali haysato oo dhan ay saldhig u yihiin. Markii hore waan fahmi waayay nimanka “Onaleef” la yidhaahdo ee ninku sheegayo, laakiin markaan aad ugu sii fiirsaday waxaan ogaaday inuu ONLF u jeedo.

Dadkii markii hore iska kala daadsanaa ayaa hal mar dareenka wada-siiyay ninkii hadlayay, waxaanad moodaysay in arrin muhiim ah oo ka wada-maqnayd uu ninkani asiibay. Aniga qudhaydu intaan buuggii dhinac isagadhigay ayaan si mug leh isugu diyaariyay biya-dhaca sheekada. Waxaanse aad ula yaabay sababta uu ninku ONLF ula soo booday, iyo sida ay dhibaatada Somaali haysa oo dhan saldhig ugu noqon karto.

Ninkii ayaa sheekadii sii watay oo wuxuu yidhi; Nimanka Onaleef waa niman u shaqeeya dowlada Eritereya, oo ah cadowga kowaad ee Soomaaliyeed. Waxay laayaan dadka shacabka ah ee Soomaali Galbeed. Waxay dhacaan hantida shacabka, waxayna ka soo horjeedaan in waddanka laga sameeyo mashaariic hormarineed. Itoobiya wax walba way oggoshahay, laakiin nimankaas ayaa meel laga maro la la’yahay. Xataa Soomaaliya waxay ka dagi la’dahay waa nimankaas iyo dowlada ay u shaqeeyaan ee Eritereya.

Waxaan filayaa in qaar dadkii ka mid ahi aad ula yaabeen sida qayaxan ee ninkani u weeraray ONLF, laakiin ma jirin cid hadalkiisa dhibsatay ama su’aal ka waydiisay. Waxaan ognahay in ONLF ay tahay Jabhadda la dagaallanta Itoobiya ee u dagaallanta xornimada dadka la gumaysto ee Ogaadeenya. Waxaan haddaba filayay in dadka qaarkii ay difaacaan oo su’aal ka keenaan denbiyada uu ninku tirinayo. Waxaan kala garan waayay inayna xaaladda Ogaadeenya waxba kala soconin iyo inay ninkan la mawqif yihiin.

Iyadoo aan wali la yaabbanahay sababta ay dadku uga gaabsanayaan arrinta uu ninku soo dhex-dhigay, ayaan ku baraarugay hadalka nin si tartiib ah u hadlaya, oo aad mooddo in nabar ku taagan yahay, hadalkuna ka soo bixi la’yahay. Wuxuuna yidhi; Horta anigu aqoon fiican uma lihi ONLF-ta, laakiin waxaan kuu sheegaa in Itoobiya ay tahay dowlad fiican oo marka waddankeeda la tago si fiican oo khash-khashaad la’aan eh laguu soo dhawaynaa.

Ninkii ONLF eedaynayay ayaa mar kale hadalkii boobay oo yidhi; Waa waddanka kaliya ee Soomaalidu sharafta ku leedahay, laakiin waxaa loogu abaal-guday dagaal iyo cadowtinimo.

La soco Q2aad.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay