12584060_1030130490380149_1158924547_n  Waxaa  Magaalada Melbourne ee Xarunta gobolka Victoria Wadankaas Australia ugu Qab soomay si heer sare Shirkoodii Billaha ahaa  Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee ku dhaqan magaaladaasi Melbourne.

Shirkan ayaa ahaa midkii   ay jaaliyadu bishiiba halka mar qabsan jirtay isla markaana ay kaga arinsato hawlaha uyaala jaaliyada ee kaga aadan halganka lagu xoraynayo qadiyada Soomaalida Ogaadeeniya ee mudada dheer Gumaysiga itoobiya ku hoos jirta iyo waliba udiyaar garowga is badalka siyaasadeed iyo kala yaaca ka abuurmay gudaha xukuumada woyaanaha Adis-Ababa Fadhigeedu yahay.

waxaa shirkan jaaliyada lagu qorsheeyay mudo haraadyo balaadhan oo dhici doona bisha Febaury bilawgeeda isla markaana ay si wada jir ah uqaadi doonaan jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya iyo Jaaliyada Oromada ee Melbourne iyo waliba qodobo kale oo aad muhiim u ah halgan kana lagu dardar galinayo

Shirka waxaa khudbado meelo badan taabanaya kasoo jeediyay Masuuliyiin kamid ah Golaha Dhaxe ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia (JWXO), Gudiga fulinta ee jaaliyada iyo dhamaan xubnihii sharafta lahaa ee shirka kasoo qayb galay.

Ugu danbayntii shirakan ayaa kusoo gabo gaboobay talo iyo tusaalooyin badan kadib is af garad iyo fahan aad usareeya laguna soo gunaa naday Halku dhiga JWXO oo ah Mintid Midnimo Iku tashi, Guul iyo gobanimo Allahu akbar.

 

ONA-Melbourne12606960_1030130467046818_837587345_n

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay