Wararka aan ka helayno wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dhibaatooyin baahsan ooy ciidanka wayaanahu ugaysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan guud ahaan wadanka Ogadenia.

Warkan oo uu nasoo gaadhsiiyay Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soo warama Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa sheegaya in xasuuq iyo xadgudubyo aan lasoo koobi karin loo gaystay shacabka Somalida Ogadenya.

Warkan ayaa intaas raacinaya in 20/1/2016 deegaanka loo yaqaano Diyaar oo Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan ay ciidanka wayaanahu ku xidheen nin shacab ah oo lagu magacaabo Mahdi Yuusuf Dhuxul. Wax dambi ah oo muwaadinkan laxidhan uu galabsaday majiro.
Isla taariikhdaas kor ku xusan ayaa meesha lagu magacaabo Barmiil oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku xidheen labo muwaadin oo naloogu sheegay magacyadooda Mudane Nuur Babyad Kooreeye iyo Mudane Cabdi Aw-maxamad.

Dhinaca kale wuxuu Wariyaha ONA ee Ogadenya kusoo waramayaa in markay taariikhdu ahayd 22/1/2016 Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob ay ciidanka wayaanahu xidhay iyo jidh dil isugu dareen dad shacab ah oo aad ubadan waxaana magacyadooda hellay kuwan hoos ku xusan:-

1) Faarax Tawal Gaaciye.
2) Khadar Axmad Deeq.
3) Cabdi Mamaadiid
4) Shuuriye oo magiciisa oo buuxa aanaan wali helin.

ONA/Ogadenia

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay