Ilo-wareedyo aad loogu kalsoonaan karo oo ONA lasoo xidhiidhay ayaa shegaya inay soo food saartay dhalinyaradii uu gumaysigu khalday ee (Liyuu Booliska).Baxsad baahsan oo uu mid walba u dhaqaaqayo hortiisa.

Kooxdan oo ujeedadii loo aas aasay ay ahayd xasuuqa, iyo dhibaataynta Shacabka masaakiinta ah ee Somalida Ogadenya ayaa baxsadkooda iyo firxadkoodii uu kala joogsan la’yahay. Kadib dhibaatooyin badan markay kasoo gaadhayaan Woyaanahii markii horaba sida khaldka ah u isticmaalay ee dadkooda inay xasuuqaan hubka ugu dhiibay. in badan oo kamid ah waxay hubka ula galayn N/hurayaasha JWXO, iyaga oo khaladkii ay galayn dib uga soo noqday. hubkoodiina ku jeediyay cadawgii dhabta ahaa.

Wararka aan Ogadenya ka helayno ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 22/1/2016 Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob ay kagoostay 3 kamid ah maleeshiyada maxaysatada ah ee Hawaarinta waxayna sidookale la baxsadeen qoryihii iyo qalab ciidan oo kale ooy wateen.

ONA/Ogadenia

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay