Shirkii madasha wadatashiga doorashooyinka 2016 soo socda ee Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho. Shirka oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa furay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan dawladda dhexe, maamul-goboleedyada, Qarammada midoobay iyo beesha caalamka ayaa goob-joog ka ah shirka. Shirka ka furmay Muqdisho ayaa laga filayaa in siyaasiyiinta Soomaalidu ay ku go’aamiyaan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadkan 2016-ka.

Beesha caalamka ayaa siyaasiyiinta Soomaalida horay uga codsaday inay isla meel-dhigaan qaabka lagu wajahayo doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo dabayaaqada sannadkan, kahor 28-ka bishan aan ku jirno ee Jannaayo.

Shirka wadatashiga ah ee ka furmay Xamar ayaa daba socda shir ay isku ujeeddo ahaayeen oo horay loogu qabtay Kismaayo, kaasoo ku dhammaaday is-maan-dhaaf.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay