Golaha Baarlamaanka dalka Denmark ayaa Talaadadii cod aqlabiyad ah ku ansixiyey sharciga cusub ee xakamaynaya xuquuqda dadka qaxootiga ah ee dalkaasi iska dhiiba.
Sharcigan ayaa waxaa horay walaac looga muujiyay qaar kamid ah qodobada xeerkan cusub oo sheegaya in dawlada Denmark ay lawareegi doonto hantida ay wataan dadka qaxootiga ah wixii ka badan (10.000 DKK) taasoo u dhiganta $1,450 dollar.

Xeerkan cusub ayaa qoraya in hantida ka badan $1,450 oo uu qofka qaxootiga ah wato ay dawlada la wareegayso si loogu maalgaliyo adeega lasiiyo qofkaasi intay u socoto dacwada qaxootinimada inta laga qaabilayo. Hantida lala wareegayo ayaa tusaale ahaan waxaa kamid ah telefonada gacanta ee qaaliga ah iyo waliba dahabka kalee qiimahooda ka badan yahay $1,450 dollar.

Sharcigan ayay si wayn u cambaareeyeen hay’ada xuquuqul Insaanka u dooda oo la barbar dhigay sharcigii NAZI-gii Jarmalka uu kula wareegay hantidii dadka Yuhuuda ahaa xiligii dagaalkii 2aad ee Adduunka.

Halkaas kuma eka xakamaynta xuquuqda Qaxootiga ee xeerkan cusub xambaarsan yahay, balse waxaa sidoo kale kamid ah qodobada la ansixiyay in qofkii qaxootinimo loo qaabilo uu khasab ku yahay inuu sugo muddo 3 sano ah inta loo fasaxayo inuu u dacwoon karo eheladiisa. Sharcigii hore ayaa ahaa in qofka qaxootiga ah u dacwoon karo eheladiisa 1 sano kadib marka la qaabilo.

Sharciga cusub ee Denmark ansixisay ayaa qayb ka ah dadaalka wadankaasi ugu jiro inuu uga hortago qaxootiga badan ee Qaarada Yurub soogalay, si ay qaxootigaasi uga cararaan Denmark oo ay isaga dhiibaan dalal kale ee kamidka ah Midawga Yurub.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay