Hillary Clinton oo kamid ah musharxiinta madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ayadoo ka qayb-galaysa kulan dad wayne uu qabtay TV-ga CNN, waxay sheegtay in hadallada islaam nacaybka ku dhisan ee kasoo yeedhaya musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Jumhuuriga ay yihiin kuwa ceeb ah oo kadhan ah dastuurka dalka Maraykanka.

Clinton ayaa waxay ka jawaabaysay su’aal ay waydiisay hooyo Muslimad ah oo horay uga tirsaneyd ciidamada cirka Maraykanka, oo lagu magacaabo Erum Tariq Munir, oo degan magaalada Des Moines ee Iowa, taasoo ahayd sida dalka Mareykanka ku noqon karo dalka ugu wanaagsan ooy ku korsan karto caruurteeda saddexda ah, haddiiba ay jiraan hadallada islaam nacaybka ah.

Qaar kamid ah Murashaxiinta xisbiga Jumhuuriga ayaa waxaa kamid ah ololaha ay doorashada Madaxwaynenimada Maraykanka ku galayaan in Muslimka laga mamnuuco inay Maraykanka soogalaan oo fiisaha ama dal-kugalka loo diido.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay