Ogadenya: Dagaal Culus oo Gobolka Nogob Kadhacay oo Woyaanaha Lagu Wiiqay.
War goor dhawayd kusoo dhacay war-qabadka Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay deegaamo katirsan Gobolka Nogob ee wadanka Ogadenya.
Warkan ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 23/1/2016 meesha lagu magacabo Aadamobari oo dagmada Galaalshe ee Gobolka Nogob katirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 5 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
Warkan ayaa intaas raacinaya inay dagaalo kaloo dhawr ah ay deegaamadaas ka dheceen maalmihii lasoo dhaafay. Waxaa si talantaalis ah usii kordhaya weerarada qorshaysan ee u dhexeeya Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) iyo Ciidanka Woyaanaha .
Kala soco ONA wararka kasoo kordha xaalada Ogadenya.
ONA
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.