Maamulka cusub ee dhawaan loo doortay Jaaliyada Ogaadeenya ee Koonfur Afrika (JOKA) ayaa shirara is dabo joog ah layeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaa shalay oo taariikhdu ay ku beegnayd 27/01/2016 maamulka guud ee JOKA kulan laqaateen gudiga faraca JOKA ee Johannesburg iyadoo laga wada hadlay sidii loo bilaabi lahaa abaabul cusub oo hawlaha faracyada JOKA lagu dardar galinayo laguna sii tayaynayo, isla shalay ayay maamulka JOKA  shir heer sare ah la yeesheen waxgaradka & Odayaasha dhaqanka ee Ogaadeenya.

Madaxda JOKA waxay shirka ay Odayaasha layeesheen  kaga xog warameen xaalada guud ee Geeska Afrika gaar ahaan xaaladaha Ogaadeenya & qalalaasaha gumaysiga Ethiopia kasoo cusboonaaday waxayna masuuliyiinta shirka ka hadlay si waafi ah uga hadleen geedi socodka halganka Ogaadeenay lagu xoreyanyo, dhanka kale Maamulka JOKA waxay soo bandhigeen qorshaha cusub ee hawlaha JOKA lagu geedi galin doono.

Maamulka JOKA & waxgaradka aya kawada hadlay sidii loo dardar galin lahaa hawlaha hor yaala isla markaasna loo xoojin lahaa xidhiidhka bulshada Soomaaliyeed oo aad muhiim u ah waxgaradka ayaa dhankooda balan qaaday inay xoojinayaan taageerada ay u hayaan halganka Ogaadeenya ee xaqa ah, sidoo kale gudiga fulinta JOKA waxay shir qiimo badan la yeesheen Maamulka Ururka OYSU waxayna kawada hadleen arrimo badan oo muhiim ah waxayna si gooni ah u lafo gureen qorsheyawga abaabul & shirweynaha guud ee OYSU oo magaalada Johannesburg lagu qaban doono haduu rabbi idmo

Isku soo wada duuboo JOKA oo ah mid ka mid ah rukumada adadag ee halganka Ogaadeenya uu ku taaganyahay waxay marwalba u taagantahay horumarinta hawlaha halganka waxayna sanadba sanadka ka dambeeya ku talaabsanaysaa xawli ay Jaaliyadaha kale ee Ogaadeenya kaga daydaan, shirarkii is xig xigay ee maamulka JOKA ay shalay & xalay laqaateen qaybaha kala duwan ee bulsahad Ogaadeenya ayaa dhamaantood is afgarad ku soo gabagaboobay waxaana lagu qaatay go’aamo dhaxal gal ah oo sida ugu dhakhsaha badan loo meel marin doono hadii uu rabbi idmo.

ONA/Koonfur Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay