Wasiirkii Cadaalada ee dalka Faransiiska Christiane Taubira ayaa Arbacadii is-casishay si ay u muujiso diidmadeeda ku aadan qodobo kamid ah sharciga cusub ee la dagaalanka argagaxisada oo doodiisa ka socoto Baarlamaanka Faransiiska .

Aqalka Baarlamaanka Faransiiska ayaa shalay bilaabay inuu ka doodo sharciga cusub ee la dagaalanka argagaxisada oo qodobo kamid ah uu qorayo in dhalashada laga xayuubiyo qofkii lagu tuhmo ama lagu helo danbi la xidhiidha argagaxisanimo.

Sharcigan cusub ayaa la bilaabay in la qoro kadib weeraradii bishii November 2015 ka dhacay magaalada Paris ooy gaysteen dhalinyaro haysta dhalashada wadankaasi iyo kuwo kaloo ka yimid wadanka Belguim.

Xisbiyada wadanka Faransiiska ayaa qaarkood soo jeediyay in la adkeeyo sharuucda wadankaasi u yaal ee la dagaalanka argagaxisada, iyagoo ku baaqay in sharciga laga xayuubiyo ama xabsi guri loo qoro dadka lagu tuhmo inay xidhiidh laleeyihiin kooxaha argagaxisada ah.

Wasiirka Cadaalada oo kamid ahayd xubnaha muhiimka ah ee xukuumada Faransiiska ahna haweenay madow ah ayaa marar badan oo hore uga dhawaajisay inay kasoo horjeedo shuruucda ay u ololeenayaan qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo ku cadaadiyey Wasiirada inay soo dajiso sharciga cusub una soo qorto qaabka ay u doonayaan.

François Hollande, Madaxwaynaha Faransiiska ayaa sheegay inuu ka xun yahay go’aanka wasiirada isagoo ugu mahadnaqay hawlihii waaweynaa ee ay qabatay intii ay xilka haysay.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay