Xukuumada dalka Sweden ayaa shaaca ka qaaday in sannadaha soo socda ay dalkeeda ka masaafurin doonto 80 kun oo qof  oo magangalyo doon ah. Dadkaas oon la shaacin dhalashadooda iyo wadamada ay asal ahaan kasoo jedaan ayaa waxaa qaadi doona diyaarado gaar ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sweden.

Sweden ayaa waxaa ku sugan Soomaali badan oo magangalyo doon ah, hase yeeshee aan la aqbalin.  Sannadkii tagey ee 2015-kii ayaa waxaa Sweden gaadhay dad magangalyo doon ah oo gaadhaya ilaa iyo 163 kun oo qof.

Dadkaas ayaa sannadkii hore waxaa gaadhay Sweden dadka ugu tirada badan ee magangalyo waydiistay dal katirsan qaaradda Yurub. Dowladda Swden ayaa si ay u yarayso tirada dadka magangalyo doonka ah ee ka cararaya dhibaatooyinka kajira dalalkooda, waxay adkaysay ammaanka xudduudaheeda.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay