Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay go’aamaddii kasoo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho Arbacadii ka dhacay.

War saxaafadeed ay soo saareen ayaa lagu sheegay Qaramada Midoobay , IGAD, Midowga Yurub, Qadar, Faransiiska, Talyaaniga, Sweden, Turkiga, UK iyo Maraykanka waxay dhamaantood taageero u muujinayaan talaabadan muhiimka ah ee Soomaalidu ay qaaday.

Waxey dheheen waxaanu soo dhawayneynaa xalka laga gaadhay habka doorashada loo galo sanadka 2016-ka, waxayna ku amaaneen dowladda Federalka Somalia inay raadisay sida ugu wanaagsan ee la isugu soo dhawaan karo dhinacyada si xal looga gaadho. Ugu dambeyntii, waxa ay balan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan hirgelinta heshiiskan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay