Sidii aad wararkaanagii hore kula socoteemba waxaa meelo kala duwan oo wadanka Ogadenya kamid ah ka dhacay dagaalo culculus oo Ciidanka Cadawga khasaare laxaad leh uu kasoo gaadhay.

Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soo warama wadanka Ogadenya ayaa nasoo gaadhsiiyay faah faahin dheeraad ah oo kusaabsan labo dagaal oo kadhacay Gobolka Nogob. Dhawrkii bari ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhacay Nogob dagaalo lagu wiiqay Woyaanaha.

Warkan ayaa sheegaya in maalinimadii Arbacada ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 27/01/2016 deegaanka Erar oo Dagmada Fiiq ee xarunta Gobolka Nogob katirsan dagaal Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO) iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray ayaa ciidanka cadawga lagaga dilay inta lahubsaday 4 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dhina kale shalay Khamiistii 28/1/2016 meesha loo yaqaano Heensaraarka oo Dagmada Sagag ee Gobolka Nogob katirsan weerar aad u culus ooy CWXO ku qaadeen ciidan uu gumaysigu leeyahay oo halkaas ku sugnaa waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 6 askari 8 kalana wa lagaga dhaawacay.

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay