Taliska Woyaanaha ayaa gabi ahaamba ku fashilmay in lasoo afjaro Kacdoonka Shacabka Oromiya uu kawado deegaamo badan oo ka tirsan Kililka Oromiya.

Kacdoonkan oo bishiisii sadexaad galay ayay Itoobiya u adeegsatay wax kastoo ay awoodi kartay sida diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helecopters, Taangiyada Dagaalka, Ciidamada gaarka ah ee Woyaanaha ee loo yaqaano AGAZI iyo falal kaloo lamid ah balse waxaasoo iskuday ah wax saamayn ah kuma yeelanin kacdoonka shacabka Oromiya uu hormuudka u yahay.

Waxa kale oo ay jareen dhamaan isgaadhsiintii oo dhan sida Internetka baraha warbaahinta bulshada, TV-yada sida gaarka ah loo leeyahay & telefoonda si ay u u xakameeyaan kacdoonka ka socda gobolka Ormiya hasa yeeshe  wax kasta oo ay sameeyaanba wali mudaharaadyadii halkii bay ka sii socdaane bal nala daawo kuwii ugu danbeeyay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay