Sacuudiga ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof lagu dilay weerar salaadii jimcaha ka dhacay masjid shiico ay leeyihiin oo ku yaala magaalada bariga ku taala ee Mehasin oo dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkii goobjooga ahaa waxay sheegeen in dadkii tukanayey ay joojiyeen qofkii weerarka qaaday inuu is-qarxiyo.ciidanka amaanka ayaa deg deg u hareereeyey masjidka. Shiicada Sacuudiga waxaa hore bartilmaameed uga dhigtay kooxda sheegata dawladda islaamiga.

Weerarkii maanta wuxuu kaloo ku soo beegmay iyadoo ay sii kordheysa xiisadda sunniga iyo shiicada ee u dhexeysa Sacuudiga iyo Iran wixii ka dambeeyey dilkii sheikh shiica ah oo caan ahaa oo bishii december lagu dilay Sacuudiga .

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay