Waxaa  Magaalada Nairobi Xarunta Wadanka Kenya  ka dhacay shir si heersara ah loo soo abaabulay  kuna  kala  war qaadannayeen Hay’ada kala duwan oo kamid ah Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia(ONLF) shirkan ayaa waxaa kamid ahaa Hay’adihii ka soo qeybgalay  Masuuliyiin Sarsare oo kamid ah Hogaaminta  Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia, Ururka  Culumada Ogadenia ,OYSU,UHO ,Maamulka  Dalada Bariga iyo Xubna badan oo kamid ah Faraca Faafan oo nasiib u helay in Shirka lagu qabto Goobta uu ka Howlgalo.

Shirkan oo ahaa mid ay ka Soo Qeyb galaeen Hay’adaha kor u xusan inta badan  Masuuliyiin matalaysay  una Soo Tirsadeen inay  Shirkaasi uga  Qeybgalaan,    waxaa furay Shirka Xogranka ee  ka dhacay Magaalada Nairobi  Gudoomiyaha Faraca Faafan ee Jaaliyada Ogadenia mudane MAHMED ABDI BARRE,oo isaga iyo maamulkiisuu Martigaliyay  Shirkaaka, Gudoomiyahay  Aayaa  Furutaanka kadib waxaa waxaa uu ka Codsatay   Hogaanka  Diinta iyo dacwada  faraca  faafan Halgame Sheekh  Haadi, Sida Shareecadu Qabtu in Shirka Ajandihiisa inta aan Lagalin lagu furu Qoraanka  kariimka ah iyo  Wacdikooban .

Kulanka Xogwaran ayaa  waxaa uu ka dhacay  Hotelka Golof oo kamid ah kuwa ku yaala Xaafada Islii ay Soomaalidu ku  badan tahay ,Shirka oo Qaatay Saacado kabadan intii loogu talagalay  ayaa xogwaran dheer oo ku  Saabsanaan Shirkii gudiga Fulinta (ONLF)ee ku Soo dhamaaday  Magaalada Skotholam ee Wadankaasi SwdenLaga  dhageystay  Halgame  Dr.Abdirahman Yousuf Farah oo ah ku xigeenka Hogaanka  Daryeelka  Arimaha Bulshada Ogadenia,oo isagu kamid ahaa  Masuuliyiintii Shirkaasi  ka Soo Qeybgashay.

Markuu Shirku Dhamaadayna  Wareegto uu Soo saaray Gudoomiyaha  Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia  uu u soo Idmaday Isaga  iyo Gudoomiyaha  Golaha dhaxe  ee Bariga Africa ahna Xer Ilaaliyaha Guud ee ONLF N/hure mahamed Shariif  inay  kaadarka  bariga Afriga  gaadhsiiyaan  Go’aamada ka Soo baxay  Shirka Gudiga  Fulinta ONLF iyo Sidii Looga  Hirgalinlahaa  Afrik iyo Ogadenia.

Halgame Dr Abdirahman  Yousuf oo  Shirkaasi  Xogwaran ku soo bandhigay Qodoba badan oo kamid ahaa kuwii Shirkii Sweden Lagu soo bandhigay  Go’aamadana Laga  gaadhay ayaa waxaa aad ugu Riyaaqay  Xubnaha ka Socday  Hay’adaha kala duwan  ee Jabada Wadaniga Xoreynta Ogadenia  ee Shirkaasi  ka Soo Qeybgalay.

N/hure Sulub Abdi Ahmed oo kamid ah  Madaxda Jabada Wadaniga Xoreynta  Ogadenia ayaa  waxaa uu isaguna  Shirkaasi ka Soo jeedayay Dardaaran ku aadan  Sidii loo fulinlahaa Go’aamada ka Soo baxay  Shirka gudiga  Fulinta  Jabahada wadaniga Xoreynta Ogadenianiya  Waxaa uu yidhi N/hure  Sulub Abdi Ahmed”Go’aamada la inoo Soodajiyay  Hadii aynaan inagu Fulinin ma Fulayaan,Waana  Shaqada Gudiga  Fulinta inay  Qorshakeenaan inaguna  aynu fulino”

Xeer ilaaliyaha Guud ee (ONLF) N/hure Mahamed Shariif Cumar.oo Shirkaasi  oo Afmeeray ayaa  waxaauu ku dheeraaday Fursadaha taagan iyo Sidii  Shacabka Ogadenia looga  Faa’iideyn lahaa siday uga bixi lahaayeen Dhibaatada Gumeysiga Ethiopia, Waxaa kamid ah Buuyidhi N/hure Mahamed  Shariif Cumar in Ururka Mucaaradka  Ethiopia ee haatan la Dhisay Siwayn loo taageero Si Ethiopia Afarteeda Dhinac  Halmar ah Ololal uga kaco, Hormoodna aynu inagu ugu Noqono Ganbeena Oramiya iyo Bini Shangole ee aynaan Dibmarin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay