Waxaa shalay ooy taariikhdu ku beegnayd 29/01/2016 shirkoodii caadiga ahaa iskugu yimid xubnaha faraca muftaxul-xorriyo ee Jaaliyada Bariga Africa kuwaasoo kahawlgala xerada qaxootiga ee Ifo.

Shirkan oo furmay abaarihii 2:00 duhurnimo ee wakhtiga Ifo ayaa ahaa mid si heersare ah loosoo  agaasimay wakhti badana lagaliyay diyaarintiisa. Shirkan waxaa kasoo qaybgalay inta badan xubnaha faraca Miftaaxul-Xorriyo ee Jaaliyada Ifo.

U guhoraynba waxaa shirka lagu furay ayaado Qur’aan ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sheekh Cabdifataax oo kamid ah Culimada waa wayn ee Somalida Ogadenia ee ku dhaqan xerada Ifo. Wuxuu sheekhu soo jeeday wacdi aad u qiimo badan oo runtii dareenka shacabkii munaasabadan kasoo qaybgalay dhaqaajiyay saamayn wayna ku yeeshay.

Intaa kadib waxaa xubnaha loosoo bandhigay warbixin dheer oo meelo badan taabanaysa, taasoo ku saabsan geedi socodka Halganka Ogadenya. Waxaana shirka lagaga dooday qodobo muhiim ah oo waxku ool ah.

Sidoo kale guubabo kadib markii aad looga dooday xaaladaha kala duwan ee ku xeeran Halganka Ogadenya iyo waaqica dhabta ah ee kajira, ayaa qodobo muhiim ah hoosta laga wada xariiqay layskuna raacay. Waxaa Xubnihii shirkan kasoo qaybgalay wajigooda laga dareemayay shucuur xambaarsan qiiro-wadaniyadeed.

Guntii iyo gabagabadii shirka ayaa lagusoo gunaanaday duco socotay ugu yaraan 30-daqiiqo waxaana duceeyay Sheekh Maxamud duceeye. Shirka ayaa kusoo dhamaaday guul.

Abdullahi-yare
ONA/IFO

20160129_153035

20160129_153042

20160129_171553

20160129_171355

20160129_152945

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay